|
Muqdisho,(insidesomalia.org)- Ciidamada Maxkamadaha Islaamka oo dhawaan la wareegay gacan ku heynta Gobolka Hiiraan ayaa waxaa ay bilaabeen howlo amaanka lagu sugayo, iyadoo Ciidamada ay la wareegeen hub iyo gaadiid uu lahaa Guddoomiyihii hore ee Gobolka Hiiraan.
Ciidamada Maxkamadaha Islaamka ee ku sugan Magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan ayaa 24 saac ee ugu denbeeyay ayaa waxay howlgal si kala gooni gooni ah uga sameeyeen Qeybo ka mid ah xaafadaaha Magaalada Beledweyn,kuwaaso oo ay ku soo qab qabteen hub iyo gaadiid la tilmaamay in uu lahaa Guddoomiyihii hore ee Gobolka Hiiraan Yuusuf dabageed.
Gaadiidkan oo gaaraya ilaa afar ayaa sedax ka mid ah nuucooda waxaa uu ahaa Cabdi Bile oo ay saaran yihiin Qoryaha dhashiikaha looyaqaan iyo Gaari laan garuusal ah.
Gadiiskaasi ayaa Ciidamada Maxkamadaha Islaamka si nabad galyo ah gacanta ugu dhigeen, kuwaasi oo saaka iyo xalay lagu arkayay xarunta Gobolka Hiiraan oo ay degeen ciidamada Maxkamadaha ee Qabsadey Magaalada Beledweyne.
Dhinaca kale Ciidamada Maxkamadaha oo shalay galainkii denbe howlgal ay ka sameeyeen xaafada Hawlwadaag ayaa waxay ku soo qabteen gaari leyla Calawi ah, kaasi oo la sheegay in uu lahaa Xildhibaan Cumar Aadan Xasan Cumar Dheere
Saraakiisha Ciidamada Maxkamadaha Islaamka ee Soomaaliya ayaana wili ka hadlin howlgalada baaxada leh oo ay ka sameeyeen xaafadaha Magaalada Beledweyn ee xarunta Gobolka Hiiraan,wallow la arkayo Saraakiisha Ciidamada Maxkmadaha iyo xubnaha Isbaheysiga ee ku sugan Magaalada, kuwaasi oo wada kulamo iyo wada tashiyo ay la leeyihiin qeybaha kala duwan ee bulshada taasina ay ku qotonto adkeynta amaanka Gobolka Hiiraan
Tan iyo markii Ciidamada Maxkamadaha ay si nabad galyo ah kula wareegeen,Magaalada Beledweyne ayaa amaanka Magaalada waxa uu ahaa mid wanaagsan
|